Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof.Kithure Kindiki ayaa siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo cid waliba oo doonaysa inay ka qayb qaadato dibadbaxyada qorsheysan maalinka berri ee toddobaadkan u diray digniin adag.
Waxaa uu sheegay in saraakiisha ammaanka ay si buuxda diyaar ugu yihiin ka falcelinta mudaaharaadyada.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in aanan marnaba la oggolaan doonin in dano siyaasadeed awgood lagu burburiyo hantida shacabka sidoo kalena lagu waxyeeleeyo dadweynaha.




