Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa saraakiisha ammaanka ku boorriyay inay xiriir wanaagsan la yeeshaan shacabka ay u adeegaan.
Waxaa uu xusay in warbixin dhawaan la soo saaray ay muujinaysa inay weli hooseyso kalsoonida ay dadweynaha ku qabaan ciidamada amniga.
Kindiki ayaa dhanka kale saraakiisha booliiska uga digay inay hubkooda iyo awoodooda u adeegsadaan inay ku xadgudbaan muwaadiniinta isagoo sheegay in taasi aan marnaba loo dulqaadan karin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay ismaamullada kaashato si bulshada loogu fidiyo adeegyo wax ku ool ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sidoo kale ciidamada ammaanka uga digay qaadashada lacagaha laaluushka ah.
Wasiirka ayaa sheegay in isbeddel ballaaran oo dhanka daryeelka ah lagu sameyn doono waaxda booliiska.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu xariga ka jaray xarunta dhexe ee booliiska deegaanka Taita oo laga hirgeliyay degmada Wundanyi ee ismaamulka Taita Taveta.