DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo amray in aqoonsiga qaran lagu soo saaro 21 cishe

0
428

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof, Kithure Kindiki ayaa sheegay inay qasab tahay in shaqaalaha waaxda qaran ee diiwaangelinta muwaadiniinta ay muddo saddex toddobaad gudahooda ah ku soo saaraan codsiyada la xiriira aqoonsiga qaran.
Arrintan ayuu ka sheegay ismaamulka Lamu oo uu maalinkii labaad ku sugan yahay isagoo halkaasi kulamo kula yeelanaya qaybaha kala duwan ee bulshada si loo xoojiyo amniga.
Kindiki ayaa carrabka ku adkeeyay in la doonaya in meesha laga saaro caqabadaha iyo habraacyada muddada dheer qaata ee saameeya dadka codsado aqoonsiga qaran.