DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo amray howlgal ka dhan ah guriyaha aan tayeysnayn

0
258

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa xilli uu ku sugnaa deegaanka Juja ee ismaamulka Kiambu waxaa uu amar ku bixiyay in tallaabo sharciyeed laga qaado qandaraasleyda iyo maalgashatada dhisaya guriyo tayo ahaan ka hooseeya hal-beegga loogu tala galay.
Waxaa uu sheegay in aan marnaba la oggolaan karin in guri loo dhiso si aan nidaam ahayn ka dibna uu dumo oo ay ku nafwaayaan dad shacab ah.
Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay inuunan sugi doonin in dhisme kale uu ku dumo gudaha wadanka ka hor inta aan tallaabo sharciyeed la qaadin.
Waxaa uu sheegay inay isku mid yihiin ganacsadaha dhisaya guri ay tayadiisu hooseysa iyo qofka burcadda ah ee dilalka iyo dhaca xoolaha ka gaysanaya waqooyiga gobolka Rift Valley sidaasi awgeedna si isku mid ah loola tacaali doono.