DHAGEYSO:Wasiiradda shaqaalaha oo sheegtay inaynan si sharci darro ah ku degin guri ku yaalla Karen

0
219

Wasiiradda wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ee dalka Florence Bore ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay si sharci ah ku deggan tahay guri ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi kaasoo uu leeyahay xildhibaanka deegaanka Gatanga
Edward Muriu.
Waxay Bore hoosta ka xarriiqday inay bixisay boqolkiiba 10 ee qiimaha lacageed ee gurigaasi oo ay xildhibaanka ku heshiiyeen inay ka iibsato iyadoo uu qorshuhu ahaa in baaqiga lacageed ay dhameystirto.

Hasa ahaate mudanaha oo ah milkiilaha guriga ayaa sheegaya in aynan jirin wax dokumeenti ah oo muujinaya in wasiiradda ay gurigaasi iibsatay.