Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa amar ku bixisay in goob kale loo wareejiyo taliyaha saldhigga booliiska ee degmada Matisi ee ismaamulka Trans Nzoia John Thuo .
Tani ayaa timid ka dib falal amni darro oo halkaasi saameeyay.
Wasiiradda ayaa sheegtay in kastoo aynan qaabilsanayn arrimaha ammaanka haddana in dowladda talada haysa ay hal qaab wax u maamusho sidaasi awgeedna aynan qasab ahayn in keliya wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki uu amarkaasi bixiyo.
Waxay intaasi ku dartay inay dhigeeda arrimaha gudaha ku war gelin doonto amar ay bixisay.
Wasiiradda ayaa xilligaasi ka hadlaysay aasi loo sameynayay Joseph Marango oo ka mid ahaa dadkii ku nafwaayay dibadbaxyadii dalka ka dhacay.