DHAGEYSO:Wasiiradda caafimaadka ee dalka oo faahfaahisay caymiska cusub ee SHIF

0
201

Wasiiradda wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha ayaa xilli ay ku sugnayd ismaamulka Makueni waxay sharraxaad ka bixisay caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF ee lagu beddelay nidaamkii hore ee NHIF.
Waxay hoosta ka xarriiqday in caymiskan uu daboolayo baahiyo dheeraad oo dhanka daryeelka ah sida caafimaadka maskaxeed, daaweynta dadka qabatimay isticmaalka daroogada, agabka dadka naafada ah iyo waxyaabo kale.
Wasiiradda ayaa madaxda la soo doortay ku boorrisay inay eegaan faa’iidooyinka dheeraadka ah ee laga helaya caymiska cusub ee SHIF.