Wasiiradda wasaaradda adeegga dadweynaha iyo jinsiyadda ee dalka Aisha Jumwa ayaa sheegtay inay warqad u qortay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Waxay wasiiraddu hoosta ka xarriiqday in aynan dhici karin in shaqaale dowladeed oo gaaray da’da howlgabka lagu noqdo uunan xafiiska sii joogi karin.
Aisha Jumwa oo wareysi gaar ah siinaysay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa carrabka ku adkeysay inay jiraan dhallinyaro badan oo jaamacadaha wadanka dhameeyay oo shaqo la’aan ah sidaas awgeedna loo baahan yahay in shakhsiyaadka shaqooyinka ku waayeeloobay ay iska nastaan.
Mar la waydiiyay in arrintan ay ku guulaysan doonto ayay wasiirka adeegga dadweynaha ku jawaabtay sidatan.