DHAGEYSO:Wasiir Roobow “Dadka qaar ayaa leh wasiirka 5 milyan oo doolar ayaa akoonka ugu jirta

0
287

Wasiirka diinta iyo awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo gunaanadayay howlaha xajka ee sanadkii tegay ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay eedhaha musuq ee loo jeediyay, ka dib markii la sheegay inay akoonkiisa ay ku dhacday lacag dhan ilaa 5 milyan oo doolar, taas oo si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada.
Roobow ayaa beeniyay in lacagtaasi ay ku dhacday jeebkiisa.
Waxaa uu tilmaamay in uusan jirinba akoon uu shaksiyan leeyahay, sida uu ku dooday.
Wasiirka ayaa xusay in dalka uu leeyahay hay’ado kala duwan, islamarkaana uu wasiir ama shakhsi uusan wuxuu rabo ka sameysan karin hantida dadweynaha.