DHAGEYSO:Wasaarada Maaliyada Soomaaliya oo faahfaahisay la dagaalanka Muqsuqa

0
352

Wasiir ku xigaanka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Fedraalka Soomaaliya C/laahi Sh Cali Qoloocow oo faahfaahin ka Bixinaya qorshaha dowlada Soomaaliya ee dhanka Maaliyada ayaa ka hadlay sida ay Wasaarada Maaliyadu ula dagaalanto Musuqmaasuqa.
Wasiir Qaloocow ayaa sheegay inay Meel Adag ka Gaareen la dagaalanka Musuqa isagoo Hoosta ka Xariiqay inay dajiyeen qorshe cad oo musuqa ka Hortagaya.

Wasiir ku xigaanka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Fedraalka Soomaaliya C/laahi Sh Cali Qoloocow ayaa dhanka kale Wuxuu faahfahain ka Bixiyay Xiriirka iyo isku Xirnaanshaha ka dhexeeya Wasaarada Maaliyada dowlada dhexe iyo kuwa Maamul goboleedyada.