DHAGEYSO:Waqooyi bari oo ka mid ah meelaha maanta laga ciiday

0
179

Bulshada muslimiinta ee ku nool daafaha caalamka ayaa maanta u dabbaal degaya munaasabadda Ciidul Adxaa.
Meelaha si wayn loogu soo baxay dabbaal degga ee ay saaka muslimiin badan ku tukadeen iyagoo isku hambalyeynaya waxaa ka mid ah ismaamulka Garissa.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Garissa Township , Deeqow Maxamad Barrow ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee gobolka sida uu faahfaahinaya Bishar Axmad Dhaqane.

Dhanka kale Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka gobolka Waqooyi Bari ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa isagoo ugu baaqay inay isku dulqaataan oo ay is cafiyaan.

Sidoo kale shacabka Mandera ayaa maanta isugu soo baxay u dabbaal degga munaasabadda Ciidul Adxaa .
Cabdiqafaar Cumar Ibraahim ayaa dhameystiraya.

Dhanka kale sida ay maanta shacabka Wajeer ugu dabbaal degayaan Ciida waxaa warbixintan ku eegaya Cabdiraxmaan Mucaawiye.