Waxaa 24-kii saac aynu soo dhaafnay baraha bulshada si weyn looga hadal hayay gabdho laga afduubtay xaafadda Islii ee Nairobi oo mid ka mid ah iyada oo six un loo jirdilay muuqaalkeeda la soo bandhigay lagana codsanayo lacag madax furasho oo dhan 5 milyan oo lacagta dalka ah.
Saddex gabdhood oo lagu kala magacaabo Ummul Kheyr Osman, Hafsan Mohamed Lukman iyo Hafsa Abdi Ahmed ayaa loo waayay siyaabo kala duwan.
Dhanka kale qosyka Ummul Kheyr Osman ayaa noo xaqiijiyay inay heleen gabadhooda oo la waayay 16-kii bishan.
Xiriir aan la samaynay qoyska Hafsan Mohamed Lukman ayaa xaqiijiyay in sawirrada naxdinta leh ee la wareejinayo baraha bulshada ay tahay gabadhooda, sidoo kale waxay beeniyeen in la helay Meydkeeda.
Xildhibaanka laga soo doortay Garissa TownShip Mudane Aden bare Ducalle oo galabta waraysi gaar ah siiyay warbaahinta BBC-da ayaa sheegay inay ka warqabaan in la’layahay gabdho Somalaiyeed isagoona sheegay inay la hadleen madaxda ugu sareeaysa dhanka ammniga lana guda galay baaritaan.
Xildhibana Ducaale ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin falalka noocan oo kale ah.
Waxaa uuna intaas ku daray in bilooyiinkii la soo dhaafay yaraadeen dadkii la weyn jiray.
Sido kale waxaa uu tilmaamay in sharciga uusan ogoleyn in qof la waayo ka dibna meydkiisa la helo isago oo la dilay.
Mudane Aden bare Ducalle ayaa tooshka ku ifiyay cida mas’uuliyada ka saarantahay hadii qof la waayo .
Waxaa uunta intaas ku daraya in hadii tan ilaa iyo talaalada aan la helin gabdhaha maqan uu arrimo ka dhan ah xaaladaha iminkaan taagan uu horgeeyn doono aqalka baarlamaanka ee dalka.
Dhinaca kale Xildhibaan deegaanka Kakmkunji ee Nairobi Yusuf Xasan wuxuu ugu baaqay laamaha ammaanka inay si deg deg ah u qaadaan talaabo ka dhan gabdhaha maqan ayna wax ka qabtaan dhacdooyiinka dadka lagu afduubanayo.