DHAGEYSO:Walaac laga muujiyay xarun nukliyeer ah oo laga hirgelinaya ismaamullada Kilifi iyo Kwale

0
229

Dadka ku nool deegaanka hoose Uyombo ee ismaamulka Kilifi ayaa ka cabanaya qorshe ay dowladda dhexe ee ku dhisayso xarun nukliyeer ah ee dowlad deegaannada Kilifi iyo Kwale.
Waxaa ay ka walaacsan yihiin mashruucan, iyagoo sheegay inay ka soo horjeedaan in xarun tamar oo nukliyeer ah laga hirgeliyo dowlad deegaanadaasi.
Qorshahan ayay ku sheegeen inuu saameynayo arrimaha kalluumeysiga, dalxiiska, beeraha iyo waxbarashada.