DHAGEYSO:Wakiillada UDA oo ka baxay golaha Kajiado xilli uu barasaabka khudbeynayay

0
310

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kajiado ayaa iskaga baxay xarunta xilli uu barasaabka dowlad deegaankaasi Joseph Ole Lenku khudbad u jeedinayay.
Guddoomiyaha ayay dantu ku qasabtay inuu khudbadiisa sii wado iyadoo ay goobta ku sugan yihiin tiro kooban oo wakiillo ah.
Siyaasiyiinta halkaasi ka baxay ayaa barasaabka ku eedeyay inuunan oofin ballanqaadyo uu u sameeyay dadweynaha oo dhanka maamulka ah.

Hasa ahaate guddoomiyaha Kajiado , Joseph Ole Lenku oo dhacdadaasi ka dib warbaahinta la hadlay ayaa wakiillada ku eedeyay inay ka caroodeen dano shakhsiyeed oo uunan u oofin.