DHAGEYSO:Wakiillada maamulka Puntland oo u codeeyay xeerar wax laga beddelay

0
474

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa waxaa Maanta kulan ku yeeshay golaha Wakiilada Maamulkaas waxayna ansixiyeen mooshin la xiriira waxka bedelka xeer hoosaadka Golaha.
Fadhiga maanta waxaa xaadirtay 52 Xildhibaan, waxaana ajandaha fadhigu ahaa Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, wax-ka-bedelkaas oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga Shuruucda iyo Caddaaladda, Soojeedinta kadibna goluhu taageeray.
Ansixinta wax-ka-bedelka Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada waxaa oggolaaday 38 Xildhibaan , waxaana diidey 10 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 4 Xildhibaan.
Ansixinta xeerkan ayaa waxaa la sheegay inay meesha ka saarayso Guddoomiyayaasha Wakiillada Puntland oo ay badnayd in mooshinno lagu rido, iyadoo horey loogu ridi karay 34 mudane oo ahayd tiro yar balse hada tiradaasi laga dhigay sadex meelood Wakiilada Puntland.

Ansixinta xeerkaan ayaa kusoo aaday xilli Golaha Wakiilada Puntland ay horay u rideen Guddoomiyihaoodii hore ee Cabdixakiin Dhoobo-daareed, sidoo kalena ay xasaanada Xildhibaanimo ay ka xayuubiyeen 8 mudane.