DHAGEYSO:Wakiillada haweenka oo loogu baaqay inay tacliinta ku taageeraan carruurta qabo baahiyaha gaarka ah

0
123

Wakiillada haweenka ee ismaamullada dalka ayaa lagu boorriyay inay maalgeliyaan deeqaha waxbarasho ee carruurta baahiyaha gaar ah qabo iyo kuwa ka soo jeeda qoysaska danyarta ah iyada oo loo marayo sanduuqa qaran ee awoodsiinta ee NGAAF.
Waxaa baaqan dirtay wakiilka haweenka ee dowlad deegaanka Kwale, Faaduma Masito.
Sidoo kale, wakiillada haweenka ee ismaamullada ayay ugu baaqday in mashruuca NGAAF ay gaarsiiyaan dhincyada waxbarashada gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.