Wakiillada golaha hoose ee dowlad deegaanka Wajeer ayaa ansaxiyay xubnaha golaha wasiirrada ee uu soo magacaabay barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi.
Tani ayaa timid ka dib markii uu golaha warbixin ka guddoomay guddiga u qaabilsan in la turxaan bixiyo shakhsiyaadka xilalka loo soo magacaabo.
Wasiirrada ay wakiillada golaha hoose ee Wajeer ansixiyeen ayaa kala ah .
1.Khalif Cabdi Cali- wasiirka deegaanka , tamarta iyo isbeddelka cimillada.
2.Faarax Cabdi Samaan –Wasiirka beeraha , xoolaha iyo adeegyada daaweynta xoolaha.
3.Sacdia Axmed Cabdi-Wasiiradda dhulalka iyo horumarinta magaalooyinka.
4.Farxiya Cabdille Macallim- Wasiiradda adeegga dadweynaha , barnaamijyada gaarka ah iyo maamulka dowlad deegaanka.
5 Ciise Garore Irobe- Wasiirka isgaarsiinta , ganacsiga , maalgashiga iyo warshadaha.
6.Axmed Maxamad Wardheere – Wasiirka waxbarashada , daryeelka bulshada iyo arrimaha qoyska.
7. Xabiiba Cali Macallim-Wasiiradda adeegyada caafimaadka.
8.Maxamuud Cabdiraxmaan Cabdi –Wasiirka adeegyada biyaha.
9.Maxamad Xasan Xuseen – Wasiirka waddooyinka , gaadiidka , howlaha guud iyo guriyeynta.
10. Saalax Aadan Cabdi- Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dhaqaalaha.
Qaar ka midah wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Wajeer oo ka hadlay ansixinta wasiirrada dowlad deegaankaasi ayaa dareenkooda sidan u muujiyay.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wakiillada golaha hoose ee Wajeer oo ansaxiyay xubnaha golaha wasiirrada