DHAGEYSO:Wakiillada golaha hoose ee Garissa oo ka hadlay ansixinta maamul dagmeedka Bura

0
200

Wakiillada deegaannada hoose ee ismaamulka Garissa ayaa faahfaahin ka bixiyay tallaabo ay ku ansixiyeen in maamul dagmeed hoose laga hirgeliyo Bura oo ka tirsan deegaanka Fafi.
Waxaa arrinkan golaha hor geysay guddoomiyaha guddiga qorsheynta iyo nidaaminta dhulalka ee golaha hoose ee Garissa Khadija Idiris.
Guddoomiyaha guddigan iyo wakiillada laga soo kala doortay deegaannada hoose ee Labasiigaale, Nanighi,Dhamaajeeley, Dadaab iyo Khatra Iimaan oo golaha si magacaabid ah ugu biirtay ayaa muujiyay dareenkooda ku aaddan qorshaha ay ansixiyeen.

Nidaam dagmeedka Bura ee ay wakiilladu ansixiyeen ayaa loo gudbinaya barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif jaamac Aadan si uu u saxiixo oo loogu soo daabaco wargeyska ka hor inta aan si rasmi ah loo hirgelin.