Wakiilka deegaanka hoose ee Xuluuqo ee deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa Cadoow Cumar Siciid ayaa ka hadlay caqabadaha dhanka biyaha ee ka jira Garissa.
Waxaa uu sheegay inuu jiro gaabad dhanka maamulka ah gaar ahaan uruurinta qarashaadka ku baxa isticmaalka biyaha isagoo maareynta adeeggan la barbardhigay korontada.
Arrimahan ayuu ka hadlay xilli uu saaka marti ku ahaa Barnaamijka Hoggaanka Star ee arrimaha dalka.