DHAGEYSO:Wajackoyah oo sheegay in aynan doonayn inay afgembi sameyaan

0
314

Madaxa xisbiga Roots Party George Wajackoyah ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada mucaaradka aan looga gol lahayn in dowladda talada haysa meesha looga saaro.
Xilli uu shalay hadal ka jeediyay fagaaraha Jacaranda ee ismaamulka Nairobi ayuu hoosta ka xarriiqay inay keliya caddaalad doonayaan.
Siyaasigan ayaa dhanka kale ku andacoonaya in xilligii doorashadii guud ee sanadkii hore laga dhacay 2.8 milyan oo ka mid ah codadkii ay dadweynaha u rideen.