Iyadoo shalay ay ku beegnayd maalinta qaramada Midoobay ayaa waxaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab gaaray wafdi uu hor kacayay guddoomiyaha sare ee hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR Filippo Grandi.
Waxaa socdaalka ay halkaasi ku tageen warbaahinta uga warramay barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac iyo ergeyga gaarka ah ee UNHCR u qaabilsan geeska Afrika Ambasadoor Maxamad Cabdi Affey.
Mr. Grandi ayaa bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku sheegay inay u tahay markii 35-aad ee uu u dabbaal dego UN Day.
Today marks the 35th time I observe #UNDay while serving the @UN.
It has been tough, at times, to keep the faith in the organization’s ideals in a world where — too often — they are ignored or trampled upon.
But I have never lost that faith, and am still proud to serve.
— Filippo Grandi (@FilippoGrandi) October 24, 2022




