DHAGEYSO:Wafdi matalaya ONLF oo ku sugan xeryaha qaxootiga Dadaab

0
302

Wafdi ballaaran oo matalaya ururka ONLF ayaa maalmahan safar shaqo ku jooga xeryaha qaxootiga ee Dadaab.
Mas’uuliyiintan oo ka mid ah golaha sare ee ONLF ayaa kulamo la qaatay jaaliyadda ka soo jeedda gobolka waxayna uga war bixiyeen xaaladaha guud ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Xaaji Maxamad Yuusuf oo ah isku xiraha jaaliyadaha ka soo jeeda gobolka ee taageera ururka ayaa warbaahinta Star uga warramay ujeedka socdaalkooda wuxuuna baaq u diray qaar kamid ah beelaha dega dowlad deegaanka oo uu khilaaf ka dhexeeya isagoo ku boorriyay inay nabadda qaataan.