Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee ismaamulka Kisumu ayaa ka dhaga adeegay amar ka soo ka soo baxay maareeyaha magaaladaasi Abala Wanga.
Wadayaasha gaadiidka dadweynaha gaar ahaan Bajaajta ee magaalada Kisumu, ayaa lagu amray in dhammaan baabuurta la dhigto hareeraha waddada weyn ee isku xirto ismaamullada Kisumu iyo Nairobi laga billaabo maanta ay goobtaasi isaga guuraan islamarkaaana ay goobo kale boosteejo u raadsadaan.
Maareeyaha magaalada Kisumu Abala Wanga, ayaa ku hunjabay in cidii aan amarkan u hoggaamsamin lagala wareegi doono gaadiidkeeda.
Qaar ka mid ah wadayaasha gadiidka Bajaajta ee Kisumu oo arrintan walaac ka muujiyay ayaa ku adkeystay inaysan amarkan u hoggaansami doonin, madaama aysan haysan goob kale ee gadiidka dhigtaan.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Wadayaasha gadiidka Bajaajta ee Kisumu oo ka dhaga adeegay amar ka soo...