Xoghayaha joogtada ah ee waaxda howlaha guud ee dalka Joel Arumonyang ayaa sheegay in dhibaato dhawaan saameysay guri laga dhisayay xaafadda Pangani ee magaalada Nairobi loo aaneynaya gaabad dhanka dhismaha ah.
Waxaa la joojiyay dhisidda daarta Bajuun Towers oo ka kooban ilaa 17 dabaq.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in shaqaalaha gurigaasi dhisayay aynan haysan agabka badbaadada.
Bayaanka waxaa ku cad in bulukeeti dhowr ah oo soo dhacay ay ku dhinteen afar ruux .
Waxaa sidoo kale dhaawacmay 8 dheeraad ah oo hadda xaaladooda caafimaad lagula tacaalaya isbitaallada Kenyatta iyo Pangani.
Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in hal qof oo la waayay la helay isagoo badqaba.
Dowladda ayaa sheegtay in goobtaasi qiimeyn dhanka dhismaha ah laga sameyn doono si loola xisaabtamo cidii ka gaabisay u hoggaansanka xeerarka degsan.
Qaar ka mid ah dadka xaafadda Pangani ayaa walaac ka muujiyay sida shirkadaha dhisaya guriyaha aynan ugu hoggaansameyn xeerarka tani oo ay waxyeello nafeed ka dhalato.