Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa waalidiinta ka codsaday inay si dhow ula socdaan waxbarashada carruurtooda oo ay xita ka caawiyaan shaqooyinka dheeraadka ah ee loo soo dhiibo.
Waxaa uu sheegay in meesha laga saari doono tabashooyinka ay waalidiinta qaar ka muujiyeen manhajka tacliinta ee CBC oo ah inuu culeys dheeraad ah u horseeday ardayda.
William Ruto ayaa xusay in iyadoo dowladda dhexe gaar ahaan wasaaradda tacliinta ay ku dadaalaysa sidii loo wanaajin lahaa tayada waxbarashada in dhanka kale waalid kasta ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta in canugiisa uu guulaysto.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa waalidiinta uga digay inay carruurta ku mashquuliyaan macallimiinta keliya oo ay iyagana ka soo baxaan waajibaadkooda waalidnimo ee dhinaca wax baridda ubadka.
Waxaa uu intaasi raaciyay inuu baarlamaanka la kaashan doono sidii loo dhameystiri lahaa kaabayaasha dugsiyada kala duwan.
Madaxweyne William Ruto ayaa mar kale soo hadal qaaday qorshaha dowladda ee ah in laga billaabo bisha koowaad ee sanadka soo socdo la shaqaaleysiiyo 30,000 oo macallimiin dheeraad ah.