DHAGEYSO:Waalidiin billaabay inay carruurtooda raadiyaan ka dib markii Kayole laga helay 16 carruur ah

0
338

Qaar ka mid ah waalidiinta ismaamulka Nairobi ayaa billaabay inay raadiyaan carruurtooda oo ka maqan.
Tani ayaa timid ka dib markii dhawaan xaafadda Kayole ee caasimadda dalka lagu arkay 16 carruur ah oo lagu hayay labo guri oo la kireeyay .
Laamaha ammaanka oo aaminsan in carruurtan la soo xaday si loo tahriibiyo ayaa baaritaano wado.
Waxaa falkan loo xiray labo eedeysanayaal oo kala ah haweeney kenyaan iyo nin u dhashay Tanzania.
Waalidiinta ayaa walaac ka muujiyay maqnaanshaha carruurtooda waxayna doonayaan in la tuso ubadka la soo helay si ay u xaqiijiyaan inay yihiin kuwo ka maqan iyo in kale.