DHAGEYSO:Ururrada saxaafadda Soomaaliya oo ka soo horjeestay amarkii ka soo baxay dowladda

0
448

Ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho hoggaanka Ururrada Saxaafadda Soomaaliyeed ee kala ah SJS, SOMA, Fosej iyo Simha ayaa ka soo horjeestay go’aankii ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee Warbaahinta looga joojiyay baahinta Wararka la xiriira Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay soo saareen SJS, SOMA, Fosej iyo Simha qayba ay ka ahaayeen qaar ka mid ah Wariyeyaasha Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in go’aankii ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta uu yahay mid sharci darro ah oo lagu degdegay.
Xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee SJS Cabdalla Axmad Muumin oo Warbaahinta u Akhriyay War-saxaafadeedka ayaa sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay kaligeed gaartay Go’aan aan lagala tashan Ururrada Saxaafadda, islamarkaana uu yahay mid sharci darro ah oo xaddidaya xurriyadda hadalka iyo tan saxaafadda.