DHAGEYSO:Ururrada macallimiinta ee Homa Bay oo ka soo horjeestay in laga jaro boqolkiiba 3 ee mushaarka

0
234

Ururrada macallimiinta dalka ee KNUT iyo KUPPET laamahooda ismaamulka Homa Bay ayaa ka soo horjeestay qorshaha dowladda dhexe ee ah in shaqaalaha iyo xarumaha ay ka shaqeeyaan laga jaro boqolkiiba 3 ee mushaarka si lacagtan loogu biiro sanduuqa guriyeynta.
Waxay sheegeen in tani aynan suurtagal ahayn maadaama ay barayaasha wajahayaan dhaqaale yari.
Waxay wacad ku mareen in haddii baarlamaanka iyo aqalka sare ay ansixiyaan qorshaha dowladda in macallimiinta ay guud ahaan dalka ka dhigi doonaan dibadbaxyo ay arrinkan uga soo horjeedaan.