DHAGEYSO:Ururrada aan dowliga ahayn oo ku boorriyay madaxweynaha dalka inuu la tashado mucaaradka

0
339

Dowaldda sare ayaa laga codsaday inay dhageysato waxna ka qabato cabashada muwaadiniinta ee la xiriirta kor u kaca maciishadda.
Ururrada aan dowliga ahayn ayaa sheegay in qaranka uusan ku sii socon karin xaaladda haatan ay kala qaybsanaanta iyo cabsida abuureyso.
Waxaa ay ka codsadeen madaxweynaha dalka William Ruto inuu la tashado mucaaradka.
Booliiska ayay sidoo kale ugu baaqeen inaysan awood xad dhaaf u adeegsan dibadbaxayaasha.

Ururrada aan dowliga ayaa arrinkan maanta kaga hadlay ismaamulka Kakamega.