DHAGEYSO:Ururka macallimiinta ee ECDE oo doonaya inay hoos tagaan dowladda dhexe

0
190

Ururka macallimiinta ee tacliinta aasaasiga ee carruurta ee ECDE ayaa doonaya in ay hoos tagaan dowladda dhexe.
Waxaa uu ururkan doonaya in la tixgeliyo soo jeedin ka timid guddi uu madaxweynaha dalka William Ruto u xil saaray inuu dib u eegis ku sameeyo arrimaha waxbarashada gaar ahaan manhajka CBC.
Guddiga ayaa ku taliyay in maamulka xarumaha tacliinta aasaasiga ee ECDE la hoos geeyo maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ee dowladda sare hoos tago.
Guddoomiyaha ururka macallimiinta ECDE Lawrence Otunga ayaa sheegay inay taageersan yihin warbixinta uu soo saaray guddiga uu madaxweynaha dalka u xil saaray arrimaha waxbarashada.
Waxaa uu wax laga xumaaado ku tilmaamay sababta golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee (CoG) ay uga soo horjeesteen in laga wareejiyo maamulka ECDE.

Waxaa hadda maamulka tacliinta aasaasiga ee carruurta ee ECDE gacanta ku haya dowlad deegaannada.