DHAGEYSO:Ururka horumarinta haweenka oo u dabbaal degay 70 sano

0
745

Waxaa magaalada Eldoret ee gobolka Rift Valley lagu qabtay munaasabad loogu dabbaal degayay sanadguuradii 70-aad ee ka soo wareegatay markii la aasaasay ururka horumarinta haweenka ee dalka.
Haweenka ayaa loogu qaabay inay u tartamaan xilalka kala duwan gaar ahaan kuwa siyaasadeed.
Madaxa xisbiga Narc-Kenya Martha Karua oo dabbaal degga ka qayb gashay ayaa warbaahinta uga warrantay.

Martha Karua oo la weydiiyay inay diyaar u tahay in xilliga doorashada guud ee sanadkan loo soo xusho xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa hoosta ka xarriiqday inay diiradda saarayso qabashada hoggaanka wadanka balse haddii loo soo bandhigo jago sare oo ay dumarka dani ugu jirto ay tixgelin doonto