Shaqaalaha caafimaadka ee hoos taga ururka dhakhaatiirta wadanka ee KMPDU ayaa maanta bannaanbax nabadeed ku qabtay xafiisyada wasaaradda caafimaadka ee dalka.
Dhakhaatiirta ayaa dibadbaxooda ka soo billaabay xarunta dhexe ee ururka caafimaadka dalka ee KMA ee Upper Hill ee magaalada Nairobi.
Waxay doonayaan in cabasho iyo codsiyo u gubiyaan wasaaradda caafimaadka ee dalka dhigeeda arrimaha gudaha iyo maaliyadda, golaha ay ku mideysan yihiin ismaamullada dalka ee CoG, baarlamaanka iyo guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa doonaya in dowladda ay jawaaba ka bixiso tallaabadii Khamiistii lagu dhaawacay xoghayaha guud ee ururka KMPDU Dr. Davji Atellah oo xilligaasi dibadbax hor kacayay.
Waxay sidoo kale doonayaan in dowladda ay shaqaaleysiiso ardayda soo bartay culuunta caafimaadka.
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Ururka dhakhaatiirta KMPDU oo dibadbax ka dhigay xafiisyada wasaaradda caafimadka ee dalka