Waxaa wasaaradda caafimaadka ee dalka dhaliil u jeediyay guddoomiyaha ururka ay ku mideysan yihiin dhakhaatiirta daawooyinka ka bixiya isbitaallada ee KUCO , Mr. Peterson Wachira.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in kastoo ay dareemayaan hor u socod dhanka wada hadallada ah in haddana wasaaradda caafimaadka ee dalka ay ula muuqato in aynan daacad ka ahayn sidii loo saxiixi lahaa heshiis ay howlwadeennadan dib ugu laabanayaan shaqada .
Wachira ayaa xusay in ay kulamo dhowr ah la yeesheen wasaaradda caafimaadka iyo golaha barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG balse aynan ilaa iyo hadda wada gaarin is-afgarad rasmi ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Xoghayaha Guud ee ururka KUCO ,George Gibore uu bayaan ku sheegay in ay rajeynayana inay maanta heshiis la gaaraan ismaamullada si ay u soo afjaraan shaqo joojinta ay bilooyin ku howlan yihiin.