DHAGEYSO:Uhuru Kenyatta oo hoggaamiyayaasha ugu baaqay inay ixtiraamaan muwaadiniinta

0
347

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadeed iyo shacabka Kenyaanka inay is ixtiraamaan si loo ilaaliyo nabadda iyo midnimada qaranka.
Waxaa uu ku boorriyay hoggaamiyayaasha inay ixtiraamaan muwaadiniinta, oo ay tixgeliyaan codsiyada dadweynaha.
Uhuru ayaa ku nuuxnuuxsaday arrimo la xiriira maamulka hadda jira, gaar ahaan ixtiraam la’aanta madaxda siyaasadeed dhexdooda.
Waxaa uu ku dhaliilay in ay aflagaado isku mariyaan fagaarayaasha.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku boorriyay hoggaamiyayaasha in ay ka fogaadaan siyaasadda qabyaaladda ku saleysan si dalka ay xasilooni uga jirta marwalba.
Waxaa uu xusay in aan horumar la gaareyn haddii aan la is ixtiraamin.