Uhuru iyo Kalonzo oo booqday qoyska uu ka baxay Magoha

0
270

Madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa booqasho ugu tagay qoyska uu ka baxay wasiirkii hore ee wasaaradda waxbarashada Prof. George Magoha.
Uhuru oo hadal ka jeediyay hooyga Magoha oo ku yaalla xaafadda Lavington ee ismaamulka Nairobi ayaa aad u ammaanay wasiirkii hore ee dhawaan geeriyooday.
Waxaa uu sheegay in Magoha uu ahaa shakhsi si ay daacadnimo ku dheehan tahay u guto waajibaadkiisa shaqo .
Waxaa uu tusaale u soo qaatay inuu si shakhsi ah u kormeeri jiray dugsiyada iyo goobaha lagu diyaariyo warqadaha imtixaannada qaran ka hor inta aan la sii gudbin.
Uhuru Kenyatta ayaa Prof. George Magoha ku bogaadiyay dadaalkii uu ku bixiyay in imtixaannada shahaaddiga ay noqdaan kuwo natiijada ka soo baxdo lagu kalsoon yahay.
Waxaa uu xusay inuu door wayn ka qaatay la dagaalanka xatooyada ama isdaba marinta imtixaannada qaran.
Hoggaamiyihii hore ee dalka ayaa horumarka ilaa iyo hadda laga gaaray manhajka waxbarashada ee CBC u aaneeyay dadaalkii uu geliyay Magoha sida xaqiijinta fasallada cusub ee la dhisay.
Uhuru Kenyatta oo carrabka ku adkeeyay in markii uu Prof. George Magoha uu u magacaabayay wasiirka waxbarashada uu qaatay go’aankii ugu wanaagsana.              Sidoo kale waxaa qoyska Magoha booqasho ugu tagay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr.Fred Matiangi oo ku tilmaamay inuu ahaa shakhsi aan ka daalin ka dhabeynta isbeddelka uu doonaya inuu sameeyo.