DHAGEYSO:Ugu yaraan 46 qof oo ku dhintay daadadka saameeyay dalka

0
265

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa sheegay in ugu yaraan 46 ruux la xaqiijiyay inay ku dhinteen daadadka ka dhashay roobabka ee saameeyay qaybo ka mid ah wadanka.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe, ismaamullada iyo hay’adaha samafalka ay iska kaashanayaan in gurmad loo fidiyo dadka ku barakacay fatahaadda.
Wasiirka ayaa dhanka kale ku baaqay in taxaddar la muujiyo oo loo hoggaansamo tilmaamooyinka ay soo saareen saraakiisha ammaanka ee meelaha u nugul daadadka iyo dhul go’a.
Kindiki ayaa xusay in haddii aan tilmaamooyinkan la ilaalin in dowladdu ay dadweynaha ku qasbi doonto inay u hoggaansamaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA uu gacanta ku hayo waddada isku xirta Garissa iyo Madogashe oo ay daadadku goyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii agaasimaha guud ee waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu uu qiray in roobabka culus ee da’aya ay yihiin El-Nino.
Waxaa uu raalligelin ka bixiyay in dowladdu aynan horay xogtan sidii ku habboonayd aynan u soo bandhigin oo la sheegay in roobabka aynan gaari doonin heerka El-Nino ama sida ay soomaalidu u taqaano dayr biyo badan.