Dad tiradoUgu yaraan 3,500 oo qof oo olole caafimaad uga faa’iidaystay Garissa
Dad tiradoodu lagu qiyaasay ugu yaraan 3,500 oo qof oo ku nool magaalada Garissa ayaa ka faa’iidaystay olole caafimaad oo ay iska kashanayeen shirkadda M-PESA Foundation, Zuri Health iyo isbitaalka indhaha ee Lion Sight First Eye Hospital .
Waxaa ololahan caafimaad ka soo qayb galay barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iidaystay daaweyntan lacag la’aanta ah oo la hadlay idaacadda Star FM ayaa ka mahadceliyay daryeelka loo fidiyay.
Sidoo kale waxaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay qaar ka mid ah shakhsiyaadka si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka bulshada ee CHVs oo ka qayb qaatay wacyigelinta bulshada ee ku aaddan ololahan.
M-Pesa Foundation ayaa sheegtay in ay sidoo kale agab gaaraya 50 ku wareejisay hooyooyinka si loo wanaajiyo daryeelka caafimaad ee hooyooyinka iyo dhallaanka ee isbitaalka guud ee Garissa.
Shirkaddan ayaa markii ugu horreysay olole kani la mid ah bishii Shanaad ee sanadkii hore ku qabatay ismaamulka Lamu waxaana xigay dowlad deegaannada Nairobi, Kakamega, Mombasa, Meru, Kisumu, Trans Nzoia, Narok, Nyandarua iyo Machakos.
In ka badan 24,000 oo ruux ayaa ka faa’iidaystay barnaamijyadan caafimaad ee bilaashka ah.
Sidoo kale 110 qof oo dheeraad ah ayaa muddo sanad ah laga bixiyay qarashaadka xubinnimada caymiska caafimaadka ee NHIF .
Guddoomiyaha laanta tabarucaadda ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom oo loo yaqaano Safaricom Foundation , Joseph Ogutu ayaa ololaha caafimaad ee lagu qabtay Garissa ku sheegay midkii 11-aad.
odu lagu qiyaasay ugu yaraan 3,500 oo qof oo ku nool magaalada Garissa ayaa ka faa’iidaystay olole caafimaad oo ay iska kashanayeen shirkadda M-PESA Foundation, Zuri Health iyo isbitaalka indhaha ee Lion Sight First Eye Hospital .
Waxaa ololahan caafimaad ka soo qayb galay barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan.
Qaar ka mid ah dadkii ka faa’iidaystay daaweyntan lacag la’aanta ah oo la hadlay idaacadda Star FM ayaa ka mahadceliyay daryeelka loo fidiyay.