DHAGEYSO:Ugaas horay xilal uga soo qabtay Soomaaliya oo ku baaqay in lala shaqeeyo madaxweyne Ruto

0
229

Waxaa magaalada Garissa si weyn loogu soo dhaweeyey Ugaas Cabdiwahab Ugaas Xussen Ugaas Khaliif oo horay dalka Soomaaliya xilal kala duwan ka soo qabtay.
Isagoo ka hadlayay munaasabadda lagu soo dhaweynayay ayuu dadweynaha ka codsaday inay la shaqeeyaan madaxweynaha wadanka hoggaamiyo William Ruto.
Waxaa uu shacabka Garissa ugu baaqay inay si gaar ah garab u siiyaan dowladda hoose isagoo xusay in loo baahan yahay in lagu cibra qaato burburkii saameeyay Soomaaliya.