Isku duwaha ammaanka ee gobolka Xeebta , John Elungata ayaa sheegay in xero militari oo ku meel gaar ah laga hirgelin doono aagga loo yaqaano Pandanguo ee ismaamulka Lamu.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in amniga lagu xoojiyo kadib weerar halkaasi dhawaan ka dhacay oo lagu dilay labo qof.
Habeenkii ay Isniinta soo galeysay ayay ahayd markii weerarkaasi sidoo kale lagu gubay guriyo dhowr ah.
Iskuduwaha dowladda dhexe u qaabilsan gobolka Xeebta oo qorshahan ka hadlaya ayaa yiri.
Mid ka mid ah hooyooyinka ku nool Pandanguo ayaa sidatan walaac uga muujisay dhibaatada la gaarsiiyay.
Barasaabka ismaamulka Lamu, Issa Timamy ayaa dhankiisa dowladda dhexe ka codsaday inay soo afjarto falalka amni darro ee halkaasi ku soo noqnoqday.