DHAGEYSO:Tirada dadweynaha soo baxay oo hooseyso ee doorashada ku celiska ah ee Garissa Township

0
333

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garissa ayaa sheegaya in weli ay hooseyso tirada dadweynaha u soo baxay codeynta oo billaabatay abaare 6-dii subaxnimo ee saaka oo socon doonto ilaa 5-ta galabnimo.
Maareeyaha arrimaha doorashooyinka ee ismaamulka Garissa Cabdiwaaxid Xuseen ayaa ku baaqay in madaxda laga soo doortay deegaannada kale ee Garissa aynan kicin xiisad la xiriirta codeynta.

Waxaa uu sidoo kale ka digay in laaluush la bixiyo ama la qaato isagoo wacad ku maray in tallaabo sharciyeed laga qaadi doono cidii sidan sameyso.
Maareeyaha doorashooyinka ee Garissa ayaa dhanka kale codbixiyeyaasha ka codsaday in ka dib marka ay codkooda dhiibtaan aynan goobta ku sii sugnaan oo ay ku laabtaan guriyahooda iyagoo kalsooni u muujinaya guddiga IEBC.

Cabdiwaaxid ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay ugu dadaalayaan sugidda ammaanka doorashada ku celiska ah.