DHAGEYSO:Taliye Xijaar oo sheegay inuusan damaanad qaadi Karin amniga doorashada golaha shacabka

0
663

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Maxamed Xassan Xijaar ayaa sheegay inuusan damaanad qaadi Karin mniga Doorashada gudoonka golaha shacabka oo maanta dhacaysa, waxaan soo jeediyay in dib loo dhigo doorasahadaasi,sabab amni dartood.
Taliye Xijaar oo xalay xili danbe warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan ilaa hada lagu soo wareejin liisaska dadka doorashadaasi ka qaybgalaya sidoo kale aan wali la hubin amaanka halka ay doorashadu ka dhacayso iyo qodobo kale.

Kadib markii uu hadlay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayuu wasiirka amniga Soomaaliya warqad ka soo baxday Xafiiskiisa ku sheegay inuu shaqada ka joojiyay taliyaha ciidanka booliska.
Wasiirka ayaa taliyaha ku eedeeyay inuu carqaladaynayo dhamaystirka iyo habsami u socodka doorashooyinka.