Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka Japheth Koome ayaa sheegay in aan la fududeysan karin saameynta ka ganacsiga iyo isticmaalka maandooriyaha.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ay saaka ka baaran dagayeen in maandooriyaha loo aqoonsan karo musiibo qaran iyo in kale.
Xilli uu ka qayb galay shir ka dhacay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayuu Koome sheegay in aan la joogin xilligii eedeymo dusha la iska saari lahaa ama ay cid kasta is difaaci lahayd.
Taliyaha ayaa sheegay in daneeyayaasha kala duwan oo ay waalidiinta ka mid yihiin laga doonayo inay mas’uuliyad iska saaraan la dagaallanka isticmaalka balwadda ee carruurtooda.
Waxaa uu ciidamada ammaanka amar ku siiyay in ay si buuxda ula dagaallamaan maandooriyaha.
Saraakiisha ayuu u sheegay in haddii ay ka gaabiyaan la tacaalidda muqaadaraadka laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
Waxaa uu taliyaha booliiska ee gobolka Xeebta ,George Seda u qabtay muddo afar cishe ah oo uu ku soo xiraya shakhsiyaadka ka ganacsado daroogada ee dowlad deegaanka Mombasa.
Koome ayaa carrabka ku adkeeyay in aynan jirin cid xil sare haysa oo ku amartay in la soo siidaayo qof loo qabtay ka ganacsiga maandooriyaha.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska wadanka ayaa walaac ka muujiyay in maandooriyaha uu saameyn ba’an ku yeeshay nolosha dhallinyaro badan oo kenyaan ah.
Waxaa uu ka digay in haddii aan dhibaatadan wax laga qaban, mustaqbalka la arki doono qof mas’uul ah oo aan shaqeyn karin isticmaalka balwadda awgeed.
Japheth Koome ayaa xaqiijiyay in adeegga qaran ee booliiska ee NPS ay ka go’an tahay la dagaallanka khamriga sharci darrada ah iyo muqaadaraadka kale guud ahaan wadanka.
Dhanka kale Koome oo cadeeyay in uunan cidna uga gabbanayn la dagaallanka maandooriyaha ayaa soo jeediyay in eedeysanayaasha la geynaya maxkamadaha aan loo oggolaan inay adeegsadaan waxyaabo wajiyadooda qarinaya sida af-xirka si dadweynaha ay u aqoonsadaan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in qaar ka mid ah ciidamada ammaanka oo lagu eedeyay inay iibiyeen daroogo la soo qabtay maxkamad la geeyay ka dib markii shaqo joojin lagu sameeyay.
Taliyaha guud ee ciidanka booliiska dalka ayaa saraakiisha ammaanka ku boorriyay in aynan qiil ka dhigan in aynan haysan baabuur iyo qalab ku filan.
Waxaa uu mas’uuliyiinta waaxyaha kala duwan ee amniga iyo saraakiisha dowladda dhexe u qaabilsan dhanka maamulka ku boorriyay in ay wada shaqeeyaan.
Japheth Koome ayaa ugu dambeyn ku taliyay in bixinta leesimada goobaha lagu caweeyo laga wareejiyo ismaamullada oo dib loogu celiyo dowladda sare maadaama sida uu hadalka u dhigay aan mararka qaar la tixgelin saameynta ay xarumahan ku leeyihiin amniga.




