DHAGEYSO:Taliyaha cusub ee booliiska oo 30 cisho u qabtay kuwa hubka sharci darrada ah haysta

0
309

Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska dalka, Japhet Koome ayaa soo saaray digniin hal bil ah oo ku socota shakhsiyaadka dambiileyaasha ah ee haysta qoryaha shacri darrada ah, waxaana la faray inay muddadaasi ku soo wareejiyaan hubka gacmahooda ku jiro, ka hor inta aan tallaabo dhanka sharciga ah laga qaadin .
Abaanduulaha booliiska oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan wakhti dheer qaatay oo uu la yeeshay barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay inay dajiyeen hannaan adag oo looga hortagayo falal danbiyeedyada magaalada ka dhaca.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arrimaha ay kulankaas uga heshiiyeen ay ka mid tahay in dhallinyarada hubka haysta la siiyo muddo hal bil ah si hubka ay haystaan ugu soo wareejiyaan laamaha ammaanka.
Taliyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in cid kasta oo khatar ku ah ammaanka Kenya ay tallaabo ka qaadayaan saraakiisha sida wanaagsan u tababaran.