DHAGEYSO:Taliska Ilaalada wadooyinka Soomaaliya oo Hirgalinaya sharuucda wadooyinka

0
473

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay xal ka keenayaan Saxmada tirada badan iyo Mashquulka Wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Wuxuu tilmaamay inay hada diyaarinayaan Ciidamo Cusub oo Xakamaynaya Gawaarida Wadooyinka Muqdisho isticmaalaya Maadaama ay Bateen Shilalka Gawaarida ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyina Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geedi ayaa sheegay inay dib u soo noolayn doonaan Tabeeleyaashii ay ku shaqayn lahaayeen Ciidamada Taraafikada iyo Tilmaamaha Wadooyinka ayna Hirgalin doonaan Sharcigii gaadiidka.
Taliyaha Ciidanka Ilaalada Wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa Sidoo kale Shacabka ka Codsaday inay Ciidamada la Shaqeeyaan hogaamada Ciidamada iyo Masuuliyiinta dowladana wuxuu ugu baaqay inay sharaciga Wadooyinka ilaaliyaan ayna shaqaalahooda siiyaan ruqsadaha Shaqooyinka Wadooyinka La Xiriira.