DHAGEYSO:Suxufiyiinta oo loogu baaqay xaqiijinta warbixinadooda xilliga doorasho guud

0
728

Golaha warbaahinada qaranka dalka ee marka magacoodu loo soo gaabiyo loo yaqaano MCK waxa ay ku boorinaysaa saxafiyiinta in ay xaqiijiyaan wararkooda si aysan u dhicin kicin dadweyne.
Golahan ayaa suxufiyiinta siinaya tababaro ku saabsan tebinta doorashooyinka si ay bulshada u helaan xog sax ah oo lagu kalsoonaan karo.
Wariyaasha ayaa ku jiraa u diyaargarowga tabinta doorashada guud ee loo asteeyay dalka inay dhacdo 9 bisha Agosto ee sanadkaan 2022-ka
Isku duwanaha golaha warbaahinada MCK ee Gobolka Rift Valley Joseph Karanja ayaa ugu baaqay suxufiyiinta inay xaqiijiyaan warbixinadooda si aysan dhibaato u dhicin.