Dowladda Hoose ee Magaalada Hargeysa iyo Shirkaddo sigaar ah loo leeyahay ayaa saaka Suuqa waaheen ee Magaalada Hargeysa ka bilaabay nadiifinta burburkii ka dhashay dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee kowdii bishaan Suuqa qabsaday.
Waxaa suuqa lagu arkayay Gawaarida Cagafta iyo Baldoosyada oo qaadaya burburka iyo qashinka dhismayaasha dabku gubay si Ganacsatada Suuqa Waaheen qofki awooda uu dib ugu bilaabo Ganacsigigiisa.
Guddoomiyaha degmada Gacan libaax oo kamid ah degmooyinka magaalada Hargaysa ayaa sheegay in Shaqada ay qabanaeyso dowladda Hoose , isla markaana howsha nadiifinta maalmahaan ay sii socon doonto.
Waxaa uu ugu baaqay Shacabka Magaalada Hargeysa inay suuqa ka fogaadaan inta shaqooyinka culus ka socdaan maadaama shaqada hada ay tahay mid aysan shacabku waxba ka qaban Karin balse marka kaalintooda la gaaro loo ogolaan doono inay suuqa yimaadaan.
Dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa ayaa gabi ahaanba baabi’iyay wixii hanti ahayd ee Suuqaas taalay wuxuuna noqday mid ay dadka Soomaaliyeed & Caalamkuba aad uga naxeen.
Soomaaliland waxay sheegtay in hantida Suuqa Waaheen taalay ee gubatay ay gaarayso in ka badan 2 Bilyan oo Dollarka maraykanka ah.