Hoggaamiyaasha golaha sare ee muslimiinta dalka ee SUPKEM iyo golaha imaamyada iyo ducaadda ee CIPK ayaa madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ugu baaqay inuu joojiyo dibadbaxyada uu shaaciyay inay sameyn doonaan maalmaha Isniinta iyo Khamiista ee toddobaad kasta.
Xoghayaha dhanka abaabulka ee golaha CIPK Sheekh Maxamad Khalifa ayaa Raila kula taliyey inuu dowladda dhexe kala xaajoodo wax ka qabashada arrimaha ay tabanayaan.
Waxaa uu cid waliba oo kaalin ku leh qabanqaabada dibadbaxyada ku boorriyay inay tixgeliyaan bisha barakeysan ee Ramadaan oo ay ixtiraamaan muslimiinta dalka ku nool.