Dowladda fedraalka Soomaaliya iyo Midowga Africa ayaa waxay magaalada Muqdisho ku yeeshay shir looga hadlayey Sidii amniga dalka Soomaaliya guud ahaan ay ula wareegi lahaayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed loogana maarmilahaa howlgalada shisheeye ee Soomaaliya ka socda.
Sidoo kale kulankaan waxaa looga hadlay khilaafkii ka dhashay qaanka uu noqonayo howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayadoo la isla eegayo waxyabaha ay dowlada Soomaaliya doonayso iyo qodobo ay midowga Africa soo jeediyeen.
Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa shirkaan gudoomiyay waxaana Goob joog ka ahaa wasiirada Arimaha dibada,Amniga Soomaaliya iyo wafdi ka socday dalalka Midowga Africa.
Wasiirada dowlada Soomaaliya ayaa shirkaan ku soo bandhigay qaabka ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya diyaarka ugu yihiin inay gabi ahaanba la wareegaan amaanka dalkooda.
Wafdiga midowga Africa ayaa sheegay dhankooda inay diyaar u yihiin qaabkii ay dowlada Soomaaliya ugala shaqayn lahaayeen in ciidankeedu hantaan amaanka dalka oo dhan.
Markii shirkaan la soo gabagabeeyay ayaa waxaa si wada jir ah warbaahinta ula hadlay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha amniga iyo gaashaandhiga dowlada Fedraalka Soomaaliya ayagoo faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ugu muhiimsan ee kalankaan looga hadlay.
Dowlada Soomaaliya iyo midowga Africa ayaa horay dhowr jeer isugu yimid kulamo looga hadlayay mustaqbalka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya iyo sidii ay amaanka guud ee dalka Soomaaliya ugu wareejin lahaayeen ciidamada qaranka ee qalabka sida maadaama ay dowlada Soomaaliya ku adkaysanayso in ciidamadeedu ay iminka diyaar u yihiin hanashada guud ahaan amaanka dalkooda hooyo.