DHAGEYSO:Soomaaliland oo laga dalbaday inay sii dayso wariyeyaal u xiran

0
529

Warbaahinta iyo wariyeyaasha ka howlgala Gobolka Togdheer ayaa Bayaan Kasoo Saartay Suxufiyiinta maalmo ka hor ay Soomaaliland Ku Xidhay Hargeisa.
Wariyeyaasha gobolka Togdheer oo kulan afur ah isugu yimid ayaa masuuliyiinta Soomaaliland waxay ugu baaqeen inay xoriyadooda Siiyaan Suxufiyiinta xiran waxayna canbaareeyeen jirdilka loo gaystay hablo iyo inamo wariyeyaal.
Suxufiyiinta kulanka ku yeelada gobolka Togdheer ayaa sheegay in hadii aysan Soomaaliland si dhaqse ah xoriyadooda u siin wariyeyaasha ay xireen ay dhamaan warbaahinta Soomaaliland ka howlgasha ka fiirsan doonaan wada-shaqaynta dowlada kala dhexaysa.