Dowladda dhexe ayaa hakisay howlaha meydadka looga raadinaya keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in fursad loo siiyo wajiga labaad ee baaritaannada qalliinka ah ee lagu sameynaya 123 oo meyd.
Waxaa arrinkan shaacisay isku duwaha ammaanka ee gobolka Xeebta Rhoda Onyancha oo warbaahinta la hadashay.
Waxay sheegtay in halkaasi shalay laga soo saaray 8 meyd halka la soo badbaadiyay afar qof oo dad waawayn ah oo isugu jiro qof rag iyo saddex dumar ah iyadoo mid ka mid ah ay xaaladdiisa caafimaad aad u liidato.
Tani ayaa tirada guud ee shakhsiyaadka ilaa iyo hadda laga soo samatabixiyay Shakahola ka dhigaysa 88 qof.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqday in 613 qof weli la la’yahay oo ay qoysaskooda raadinayaan.
Ilaa iyo hadda waxaa keynta Shakahola ee Kilifi laga soo saaray meydad dhan 235 sida laga soo xigtay Rhoda Onyancha.